Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashi ku aaddan dhisidda Nidaamka Macluumaadka Suuqa Shaqada (Labour Market Information System – LMIS) iyo horumarinta siyaasadda socdaalka shaqaalaha. Ujeedada ayaa ahayd in kor loo qaado fursadaha shaqo ee dalka iyo sidii si hufan loo maareyn lahaa dhaqdhaqaaqa shaqaalaha Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay horumarinta suuq shaqo oo firfircoon, iyadoo diiradda la saarayo dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxa uu xusay muhiimadda uu leeyahay nidaam xog-ogaal ah oo hagaya qorsheynta iyo horumarinta shaqo-abuurka dalka.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Waaxda Shaqo Abuurka ee Wasaaradda, mudane Sakariye Cabdi Xaashi, oo isna ka hadlay muhiimadda uu nidaamka LMIS u leeyahay kobcinta shaqooyinka iyo horumarinta siyaasadaha shaqaalaha ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo iskaashiga Dowladda Federaalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dalka.


