Agaasimihii Waaxda Arrimaha Diinta ee Hirshabelle oo Lagu Dilay Magaalada Jowhar

Jowhar – Koox hubeysan ayaa fiidnimadii caawa ku dileen agaasimaha Waaxda Arrimaha Diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Dr. Maxamed Cabdi Cali (Dr. Gaalib), sida ay xaqiijiyeen ilo amni iyo dad goobjoogayaal ah.

Dilka Dr. Gaalib ayaa ka dhacay xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar, xilli uu ku sugnaa farmashi uu isagu lahaa. Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa si toos ah u beegsaday marxuumka, waxaana ay rasaas ku fureen, taasoo sababtay in uu goobta ku geeriyoodo.

Marxuumka ayaa ahaa aqoonyahan dhallinyaro ah oo xirfad caafimaad lahaa, islamarkaana horey uga soo shaqeeyay xarumo kala duwan oo la xiriira adeegyada caafimaadka. Geeridiisa ayaa gilgishay shacabka magaalada Jowhar, kuwaas oo si weyn uga naxay falkaas naxdinta leh.

Dilka kadib, ragga hubeysan ee weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday, hase yeeshee ciidamada booliska Hirshabelle ayaa gaaray halka uu falka ka dhacay, iyagoo durba bilaabay baaritaanno la xiriira dhacdada.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Hirshabelle, Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim (Cali Ciiley), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo dhammaan asxaabta marxuumka, isagoo ku tilmaamay Dr. Gaalib inuu ahaa shaqsi howlkar ah oo si daacadnimo leh ugu adeegay bulshada.

Ciidamada ammaanka ayaa weli wada hawlgallo lagu raadinayo dableydii ka dambeysay dilka, iyadoo la filayo in hay’adaha amniga ay faahfaahin dheeraad ah kasoo saaraan dhacdadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *