Safiirka cusub ee UK usoo magacowday Soomaaliya oo xafiiska la wareegay

Muqdisho, Soomaaliya:- Charles Nicholas King, oo bishii labaad ee sannadkan loo magacaabay safiirka Boqortooyada Midowday ee UK u qaabilsan Soomaaliya, ayaa si rasmi ah xilkiisa ula wareegay, sida uu ku shaaciyay qoraal uu ku daabacay bartiisa X (horey Twitter).

Ambassador King ayaa beddelay Michael Nithavrianakis, oo xilka hayay tan iyo markii la magacaabay bishii May 2023, isagoo muddo labo sano ah matalayay dowladda UK ee Soomaaliya.

“Waxaa sharaf weyn ii ah in aan bilaabo doorkayga cusub ee Safiirka UK ee Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa inaan la shaqeeyo saaxiibada Soomaaliyeed oo aan wax badan ka barto dalkan cajiibka ah,” ayuu yiri Safiir Charles King.

Charles Nicholas King waa diblomaasi khibrad dheer u leh Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta (FCDO), oo uu ku biiray sanadkii 2004. Intii uu xilka hayay, wuxuu kasoo shaqeeyay meelo dhowr ah oo muhiim ah oo ay kamid yihiin Bariga Dhexe, Afrika iyo Qaaradda Yurub.

Xilkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Madaxa Kooxda Wadajirka ah ee Gaza Taskforce, oo ka hawlgasha Israa’iil iyo Dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, intii u dhaxaysay 2023 ilaa 2024, halkaas oo uu hormuud u ahaa dadaallada diblomaasiyadeed ee la xiriira xasillooni-darrada gobolka.

Sidoo kale, muddadii u dhaxaysay 2020 ilaa 2023, Safiir King wuxuu ahaa Madaxa Waaxda Shaqada Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee FCDO, iyo Wakiilka Gaarka ah ee UK u qaabilsan arrimaha Suuriya, isagoo door muuqda ka qaatay siyaasadda Britain ee ku wajahan gobolka Bariga Dhexe.

Magacaabista King ayaa timid iyadoo UK ay sii xoojineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *