Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Ka Qeyb Galay Furitaanka Shirweynaha 78-aad ee Caafimaadka Adduunka ee Geneva

Geneva, Switzerland – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Shirweynaha 78-aad ee Caafimaadka Adduunka, kaas oo ka furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka waxaa safarkiisa ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Guuleed Cabdijaaliil, iyo agaasime waaxeedyo kale oo ka tirsan wasaaradda, kuwaas oo matalaya Soomaaliya una metelaya doodaha iyo go’aamada muhiimka ah ee lagu gorfeynayo shirka.

Shirweynahan oo ah madal sanadle ah oo ay isugu yimaadaan madaxda iyo khubarada caafimaadka ee caalamka, ayaa sanadkan diiradda saaraya horumarinta nidaamyada daryeelka caafimaadka, xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyo dejinta istaraatiijiyado wax ku ool ah oo lagula tacaalo caqabadaha caafimaad ee haysta dunida.

Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa tilmaamay in ka qeyb galka Soomaaliya ee shirkan uu yahay mid muhiim u ah diblomaasiyadda caafimaadka iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee lagu hormarinayo adeegyada caafimaad ee gudaha dalka. Wuxuu intaa ku daray in Wasaaradda Caafimaadka ay ka go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu ballaarinayo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh, loona siman yahay dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa sidoo kale xaqiijisay ka go’naanshaheeda ka qeyb qaadashada madalaha caalamiga ah si sare loogu qaado tayada iyo tayo-wanaagga nidaamka daryeelka caafimaadka ee dalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa la filayaa inuu soo saaro go’aammo iyo heshiisyo muhiim ah oo wax ku ool u noqon doona kobcinta caafimaadka guud ee caalamka, iyadoo Soomaaliya ay qayb ka tahay saxiixayaasha iyo cod bixiyeyaasha go’aamadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *