Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo la kulmay wakiilka QM ee Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan, iyagoo si qoto dheer uga wada hadlay qorshaha dimuqraadiyeynta maamulka gobolka iyo hirgelinta doorashooyinka Dowladda Hoose ee Muqdisho si awoodda dib loogu celiyo shacabka.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray saameynta roobabkii xooganaa ee dhawaan ka da’ay magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay xaalado bini’aadannimo iyo burbur ku yimid kaabayaal dhaqaale. Labada masuul waxay isla meel dhigeen muhiimadda ay leedahay ka jawaabidda degdegga ah ee arrimaha bani’aadannimada, iyo dadaallada wadajirka ah ee dib u dhiska iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah.

Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay siiso Dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhisidda, maamul-wanaagga, gargaarka bini’aadantinimo, iyo barnaamijyada horumarineed.

Dhanka kale, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo iskaashiga labada hay’adood, lana dardar geliyo mashaariicda horumarineed ee ay Qaramada Midoobay ka fuliso magaalada Muqdisho, si loo abuuro fursado shaqo oo gaar ahaan loogu tala galay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa muujinaya dadaallada socda ee lagu dhisayo maamul daahfuran oo shacabka u adeega, kana jawaaba baahiyaha degdegga ah ee bulshooyinka reer Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *