Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar ayaa halkaas kula qaatay wada-hadallo rasmi ah dhiggiisa Masar, Mudane Badar Cabdilati.

Wada-hadalladaasi ayaa si gaar ah diiradda loogu saaraya sidii loo xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyada oo la tixgelinayo dhinacyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin. Amniga: Taageerada iyo iskaashiga labada dal ee dhinaca ammaanka, siyaasadda: Dib-u-xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga siyaasadeed iyo in kaloo intaa ka si Ibadan.

Cilaaqaadka Soomaaliya iyo Masar, oo ku saleysan walaaltinimo, iskaashi waxtar leh, iyo xiriir soo jireen ah, ayaa muhiim u ah horumarinta labada dal, iyadoo wada-hadalladan ay muhiimad gaar ah siinayaan sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha wadajirka ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *