Wararka ka imanaya magaalada Buur-hakaba ee Gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed ayaa sheegaya in Dooyoow Cismaan Cali oo ka tirsanaa cimadama al-Shabab ayaa isku soo dhiibay ciidamada booliska Koonfurgableed oo ku sugan magaaladaasi maantay 23 December 2024.
Sarkaan al-Shabaabka ah ee is soo dhiibay ayaa la soo goostay Qori AK 47 ah iyo qasnado badan oo rasaas ah.
Isagoo magaalada Buur-hakaba kula hadlay idaacadaha maxalliga ah ayaa uu sheegay inuu isaga soo tagay kooxta markuu u adkeysan waaye dhibaatooyin badan oo uu kala kulmay duurka iyo inuu ku sii qanci waayay fekerkooda.
Wuxuu kama danbeys ugu baaqay saaxibada al-Shababka ee uu ka tarisanaa inay tagaan nolsha mugdiga ah ee ay duurka kula jiraan, wuxuu intaa ku daray in ay ciidamada dowlada si wanaagsan u soo dhaweeyeen ulana dhamqeen.