Madax Hore iyo Siyaasiyiin Mucaarad ah oo War-saxaafadeed Walaac Leh Kasoo Saaray Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka

Muqdisho – Qaar ka mid ah madaxda hore ee dalka iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo si wadajir ah u saaray war-saxaafadeed rasmi ah ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan dalka, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay doorka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la sheegay inuu ka leexday hoggaamintii laga filaayay.

Warsaxaafadeedka oo ay ku saxiixnaayeen 16 mas’uul oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay dalka, sida madaxweynayaal, raysal wasaareyaal, wasiirro, safiiro iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed, ayaa lagu sheegay in uu burburay kalsoonidii laga qabay Madasha Wadatashiga Qaranka, isla markaana uu meesha ka baxay doorkii Madaxweyne Xasan Sheekh laga sugaayay ee ahaa mideynta dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

“Dalku wuxuu wajahayaa xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo caqabado amni oo baahsan. Waxaa laga filaayay Madaxweynaha inuu hormuud ka noqdo dhisidda gogol qaran oo looga arrinsado arrimaha taagan sida la dagaallanka argagixisada, khilaafaadka ku gadaaman hannaanka doorashooyinka iyo is-bedbedelka dastuurka, balse nasiib darro waxaa muuqata inuu doortay kooxaysi siyaasadeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale si cad ugu digay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu ka waantoobo faragelinta maamulka Jubbaland, taas oo lagu tilmaamay “ficillo fidno abuur ah” oo wiiqaya madax-bannaanida maamul-goboleedkaas.

Mas’uuliyiinta saxiixay warsaxaafadeedkan waxaa ka mid ah:

  • Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya
  • Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaarihii hore
  • Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaarihii hore
  • Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaarihii hore
  • Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Ra’iisul Wasaarihii hore
    iyo siyaasiyiin caan ah oo kale.

Waxay madaxdu sidoo kale si gaar ah ugu baaqeen madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkooda rasmiga ah, ayna ku waajib tahay in ay qabtaan doorashooyin xor ah oo hufan. Waxaa kale oo ay uga digeen in aysan noqon taageerayaal u ah dadaallada lagu wiiqayo hannaanka Federaalka ee dalka.

War-saxaafadeedkan ayaa imaanaya iyadoo ay isa soo tarayaan walaacyada laga qabo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka siyaasadeed iyo muranka hareeyay isbedbedelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *