Wasaaradda arrimaha dibadda oo Muqdisho ku soo gabangabaysay wadatashi ku aadan bad-qabka deegaanka

Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyadoo kaashanaysa Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), waxay maanta magaalada Muqdisho ku soo gabagabeysay shir muhiim ah oo socday muddo labo maalmood ah, kaasi oo lagu lafa-guray istaraatiijiyadda gobolka ee ku saabsan Biotechnology, Biosafety iyo Biosecurity.

Shirkan oo la-tashi ah ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd teknoolojiyadda casriga ah ee biotechnology si kor loogu qaado wax-soo-saarka gudaha, loona ilaaliyo caafimaadka bulshada iyo badbaadada deegaanka. Waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socda hay’adaha dowladda ee khuseeya deegaanka, beeraha, caafimaadka iyo cilmibaarista, khubaro gudaha iyo dibedda ka timid, iyo daneeyayaal kale oo arrintan daneeya.

Mowduuca udub-dhexaadka u ahaa kulanka ayaa ahaa sidii loo horumarin lahaa wax-soo-saarka beeraha iyadoo la adeegsanayo biotechnology si loo kordhiyo wax-tarka dalagyada, loo horumariyo amniga cuntooyinka, isla markaana loo taageero caafimaadka bulshada iyo xoolaha. Khubaro ku xeel dheer cilmiga biotechnology ayaa soo bandhigay doorka ay teknoolojiyadani ka ciyaari karto kobcinta dhaqaalaha, abuuridda dalagyo cudurrada u adkaysta, iyo sare u qaadista tayada cuntooyinka.

Waxaa sidoo kale si weyn loogu hadlay baahida loo qabo in la dejiyo xeerar adag oo lagu sugo amniga iyo badbaadada marka la tacaalayo wax-soo-saarka ku saleysan teknoolojiyadda noolaha (GMOs), iyada oo la xaqiijinayo qaab-dhismeedyo sharci iyo hay’adeed oo suurtagelin kara maarayn mas’uuliyad leh.

Kulanka waxa kale oo xoogga lagu saaray muhiimadda ay leedahay isku xidhka siyaasadaha Soomaaliya ee ku saabsan beeraha, biotechnology, iyo biosafety si ay ula jaanqaadaan himilooyinka iyo qorsheyaasha gobolka Bariga Afrika. Doodaha iyo warbixinaha la soo jeediyay waxay hoosta ka xariiqeen in Soomaaliya ay fursad weyn u leedahay in ay noqoto hoggaan firfircoon oo kaalin muuqata ku leh horumarinta deegaanka, dhaqaalaha cagaaran iyo badbaadada noolaha ee gobolka.

Ka qaybgalayaasha shirka ayaa muujiyay go’aankooda ku aaddan dhameystirka istaraatiijiyadda biotechnology ee gobolka, kor u qaadidda wacyigelinta dadweynaha, iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh biosafety iyo biosecurity. Waxaa si gaar ah loo xusay muhiimadda iskaashiga goboleed ee hoos yimaada Ururka Iskaashiga Bariga Afrika (EAC), iyadoo Soomaaliya ay muujisay rabitaankeeda ah in ay door firfircoon ka ciyaarto dadaallada lagu horumarinayo cilmi-baarista iyo hal-abuurnimada ku saleysan biotechnology.

Shirkan ayaa lagu tilmaamay mid kaalin muuqata ka qaadan doona dadaallada Soomaaliya ee ku wajahan kobcinta wax-soo-saarka waara, horumarinta caafimaadka bulshada, iyo ilaalinta deegaanka iyada oo loo marayo horumarinta cilmiyeed ee biotechnology.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *