Wasiirka maaliyadda oo Nairobi uga qaybgalay bandhigga warbixin maaliyadeedka Soomaaliya

Nairobi, Kenya – Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo xubnaha Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda (FGC) ayaa maanta ka qeyb galay bandhig rasmi ah oo lagu soo bandhigayay Warbixinta Sanadeedka 2024 ee Horumarka Maaliyadda Soomaaliya, taasoo lagu qabtay xarunta Bangiga Adduunka ee magaalada Nairobi.

Bandhiggaan ayaa waxaa soo diyaariyay Guddiga FGC oo uu guddoomiyaha rasmiga ah u yahay Wasiirka Maaliyadda XFS, waxaana lagu falanqeeyay guulaha laga gaaray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, kororka dakhliga gudaha iyo hirgelinta hufnaan iyo isla-xisaabtan ku dhisan maamul-wanaag.

Mudane Biixi Imaan Cige oo jeediyay khudbad qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaysay, ayaa si weyn u bogaadiyay warbixinta sanadkan, isagoo xusay inay muujineyso dadaalka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto horumarinta nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

Wasiir Biixi ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay si dhab ah uga go’an tahay in ay sii waddo hirgelinta dib-u-habeynta dhaqaale ee dalka, taasoo saldhig u ah kor u qaadidda dhaqaalaha, kobcinta fursadaha shaqo, iyo dhisidda mustaqbal ifaya oo shacabka Soomaaliyeed ay ku naaloon karaan.

Munaasabadda bandhigga warbixinta FGC waxaa sidoo kale ka qeyb galay wakiillo ka socday dhammaan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF), Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub iyo Safiirrada dalalka sida joogtada ah ula shaqeeya Dowladda Soomaaliya ee dhanka Maaliyadda.

Bandhiggan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo sii amba-qaadidda hannaanka lagu xaqiijinayo maamul-wanaagga iyo daahfurnaanta ilaha dhaqaalaha dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *