Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Degdegga ah ee Roobabka Muqdisho

Muqdisho – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11-ka May 2025 si rasmi ah u magacaabay Guddiga Gurmadka Degdegga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir, si ay wax uga qabtaan saameynta iyo khasaaraha ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay caasimadda.

Magacaabista guddigan ayaa timid kaddib markii Guddoomiyaha uu qiimeeyay xaaladda degdegga ah ee ay keeneen roobabkii dhawaan ka da’ay magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay daadad, burbur hantiyeed, dhaawacyo naf iyo maalba leh, iyo hakad ku yimid isu socodka waddooyinka qaar.

Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in magacaabista guddigan ay tahay talaabo muhiim ah oo lagu xakameynayo saameynta roobabka socda iyo diyaarinta qorshe degdeg ah oo wax looga qabanayo roobabka kale ee la filayo in ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho.

Guddiga la magacaabay ayaa ka kooban xubno sare oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, waxaana hoggaaminaya:

  1. Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir – Guddoomiyaha Guddiga.

Xubnaha kale ee guddiga waxaa ka mid ah:

  • Agaasimaha Guud ee Xafiiska Duqa Muqdisho
  • Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud
  • Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta
  • Agaasimaha Guud ee Nadaafadda iyo Bilicda
  • Agaasimaha Waaxda Xiriirka Degmooyinka Gobolka Banaadir
  • Agaasimaha Waaxda Jidadka iyo Bulaacadaha
  • Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar
  • Afhayeenka Gobolka Banaadir
  • Lataliyaha Gobolka Banaadir ee Arrimaha Teknoolojiyadda

Guddigan ayaa laga filayaa in ay si degdeg ah u fuliyaan hawlo ay ka mid yihiin qiimeynta khasaaraha, gaarsiinta gurmadka degdegga ah ee dadka ay saameeyeen roobabka, iyo diyaarinta istiraatiijiyad looga hortago waxyeelo hor leh oo ka dhalan karta roobabka socda.

Guddoomiyaha ayaa ku adkeeyay guddiga in ay si hufan, waqtiyeysan oo mas’uuliyad leh u gutaan waajibaadkooda, si shacabka ku nool Muqdisho ay u helaan badbaado iyo adeeg degdeg ah xilli roobaadkan adag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *