Muqdisho – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hadimo-sharafeed soo dhaweyn ah u sameeyay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdhiye), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Muqdisho.
Kulanka, oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa ahaa mid si heer sare ah loo agaasimay, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan labada gole ee dowladda Federaalka, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.
Wasiir Cabdullaahi Fartaag ayaa hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ku bogaadiyey dadaallada muuqda ee maamulkaasi ka sameeyay xagga dhismaha dowladnimada, amniga iyo horumarinta deegaannada mudada kooban ee ay shaqeynayeen. Wuxuu xusay in Wasaaradda Amniga ay diyaar u tahay in si dhow ula shaqeyso maamulka SSC-Khaatumo si loo xoojiyo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolladaas.
“Waxaan ku faraxsanahay in aan halkan ku arko hoggaan Soomaaliyeed oo si qoto dheer ugu hawlan dhismaha dowladnimada iyo amniga deegaannadiisa. Dowladda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda Amniga waxay mar walba diyaar u tahay in ay la shaqeyso SSC-Khaatumo si loo xaqiijiyo xasilooni waarta,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.
Dhankiisa, Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Amniga soo dhaweynta diirran iyo garab istaagga uu muujiyay, isagoo xusay in SSC-Khaatumo ay mudnaanta siinayso wadashaqeynta dowladda dhexe iyo dhisidda hay’ado dowladeed oo tayo leh.
Hadimo-sharafeedkan ayaa qeyb ka ah kulamo isdaba joog ah oo uu Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo la qaadanayo mas’uuliyiinta dowladda Federaalka intii uu ku sugnaa Muqdisho, kuwaas oo diiradda lagu saarayay iskaashiga siyaasadeed, amni iyo horumarin.


