Duqa Muqdisho Oo Ka Warbixiyay Saameynta Roobabka Iyo Tallaabooyinka La Qaadayo

Muqdisho – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa maanta si rasmi ah warbaahinta ugu faahfaahiyay xaaladda degdegga ah ee ka dhalatay roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo sababay daadad xooggan iyo burbur hantiyadeed.

Guddoomiye Amiir ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu qaaday tallaabooyin degdeg ah oo lagu maareynayo saameynta roobabka, iyadoo la diyaariyay qorshayaal gargaarka lagu gaarsiinayo dadka ay dhibaatadu saameysay.

“Roobabka mahiigaanka ah ee Xamar iyo agagaarkeeda ka da’ay waxaan ka qaaday tallaabo kasta oo suuragal ah si loo yareeyo dhibaatada. Waxaana dhawaan soo saari doonnaa warbixin dhammaystiran oo ku saabsan saameynta roobka. Sidoo kale, gargaar degdeg ah ayaan gaarsiin doonnaa dadka uu waxyeelladu soo gaartay,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Duqa Muqdisho ayaa intaas ku daray in ay socoto howlo ballaaran oo lagu maareynayo biyaha fariistay waddooyinka iyo xaafadaha, isagoo xusay in la hawlgeliyay matoorro waaweyn oo biyaha tuura iyo booyado biyo ka daad gureeya goobaha ay daadadka isugu geeyeen.

“Waxaan wali wadnaa dadaallo adag oo la xiriira maareynta saameynta roobka, waxaana diyaarinay matoorro iyo booyado lagu nadiifinayo meelaha ay biyuhu isugu tageen,” ayuu raaciyay Guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, isagoo ka hadlayay burburka ka soo gaaray qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada, Guddoomiye Amiir ayaa sheegay in dib u dhis degdeg ah lagu sameyn doono laamiyada ay daadadku waxyeelleeyeen. Wuxuu faray shirkadaha horey u dhisay waddooyinkaasi inay si degdeg ah ugu soo laabtaan goobaha burburka si loo hirgeliyo jidad tayo leh oo cusub.

“Tallaabo degdeg ah ayaan ku dhisi doonaa jidadka burburay, waxaana shirkadihii horey u dhisay waddooyinkaas ka codsaneynaa inay markale ku laabtaan si ay u dhisaan waddooyin laamiyo ah oo tayo leh,” ayuu yiri Maxamed Axmed Amiir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *