Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta qaabilay hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo

Muqdisho – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, oo dhawaan ka qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee SSC Khaatumo, gaar ahaan dhinacyada horumarka, nabadgelyada iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee maamulkaasi. Hoggaamiye Firdhiye ayaa Madaxweynaha siiyey warbixin dhammaystiran oo ku saabsan xaaladaha socda iyo dadaallada maamulka SSC Khaatumo ugu jiro xasilloonida iyo horumarka deegaanada uu ka arrimiyo.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha SSC Khaatumo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya martiqaadkii uu ka helay si uu uga qeyb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyo taageerada uu u muujiyay dadaallada dhismaha dowladnimada SSC Khaatumo.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha is-garabtaagga dhismaha dowladnimo ee SSC Khaatumo iyo dadaallada ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku ilaalinayso midnimada iyo wadajirka dalka,” ayuu yiri Mudane Firdhiye, oo la hadlay warbaahinta kaddib kulanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta, midnimada dalka iyo dhiirrigelinta hannaanka dowlad dhiska, isaga oo soo dhaweeyay doorka maamulka SSC Khaatumo ee ku aaddan wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Firdhiye, oo kulankan uu la yeeshay Madaxweynaha uu qeyb ka yahay safar rasmi ah oo uu ku joogo caasimadda dalka, ayaa intii uu ku sugnaa Muqdisho la kulmay madaxda sare ee dowladda federaalka, masuuliyiin heerar kala duwan ah iyo diblumaasiyiin caalami ah oo ku sugan magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *