Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay kadib Ka Qeybgalka Shirweynaha Baarlamaanada Carabta ee Algeria

MUQDISHO, Soomaaliya – 6-da May, 2025: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar rasmi ah oo uu ku tegay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria, halkaas oo uu kaga qeyb galay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaannada Wadamada Carabta.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo qayb ka ahaa matalaadda Soomaaliya ee madasha Baarlamaanka Carabta ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay madaxda ka socotay dalalka xubnaha ka ah ururka, iyadoo diiradda la saaray iskaashiga Baarlamaannada Carabta, xoojinta doorka sharci-dejinta ee dalalka xubnaha ah, iyo sidii loo mideyn lahaa mowqifyada ku aaddan arrimaha gobolka iyo caalamka.

Markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaa Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa si diirran usoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirkan Baarlamaanada Carabta ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta xiriirka u dhexeeya Baarlamaannada dalalka Carbeed iyo ka doodista arrimo muhiim ah oo quseeya nabadda, xasilloonida, iyo horumarka gobolka.

Safarka Guddoomiyaha ayaa loo arkaa mid kor u qaadaya muuqaalka diblomaasiyadeed iyo doorka Baarlamaanka Soomaaliya ee gudaha ururrada caalamiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *