Maraykanka oo xoojinaya howlaha Milatari ee saldhigga uu ku leeyahay Balidoogle

BALEDOGLE – Koox farsamo oo ka tirsan guutada 152-aad ee Ciidanka Mareykanka ee ka hawlgala Geeska Afrika ayaa bilaabay hawlo ballaaran oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaad ee saldhigga milatari ee Baledogle, iyagoo hirgeliyay xarumo caafimaad oo casri ah.

Xarumahan cusub ayaa loogu talagalay in ay si degdeg ah ugu adeegaan askarta Mareykanka ee ku sugan saldhigga, gaar ahaan marka ay timaaddo xaalado caafimaad oo degdeg ah, taasoo sare u qaadaysa adkeysiga saldhigga iyo u diyaar garowga howlgallada militari ee gobolka.

Sida uu sheegay SGT. Liam Harris, oo ah hoggaamiyaha kooxda farsamada ee mashruucan, “Waxaa muhiim ah in aan ka gudubno caqabadaha dhismaha xaruntan caafimaad, anagoo adeegsanayna xirfado iyo xalal farsamo oo adag si aan u xaqiijino in askartu helaan daryeel degdeg ah.”

Kooxdan farsamada ayaa ka tirsan Ciidanka Kaydka Qaranka Mareykanka (U.S. National Guard), kuwaasoo door muhiim ah ka qaatay dadaallada lagu tayeynayo saldhigga Baledogle oo ah mid ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya.

Hawlgalkan cusub ayaa imaanaya xilli dhawaan dowladda Mareykanka ay qaarkood ka daabushey ciidamadeeda ku sugnaa saldhigga Baledogle, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay tallaabadaas.

Saldhigga Baledogle ayaa marar badan la kulmay weerarro ay soo qaadeen kooxda Al-Shabaab, balse ilaa hadda kooxdaasi kuma guuleysan in ay gudaha u galaan xarunta.

Mashruucan caafimaad ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah dadaallada Mareykanka ee lagu xoojinayo joogitaankiisa militari ee gobolka, iyo taageerada la siiyo hawlgallada amni ee lagula dagaallamayo argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *