MUQDISHO – Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda baarista amniga ee Insight Intelligence, ayaa daaha ka rogtay in ururka Al-Shabaab uu weli heysto awood dhaqaale oo xooggan, iyadoo lagu qiyaasay in dakhliga sannadlaha ah ee kooxdaasi uu u dhexeeyo $100 milyan ilaa $200 milyan.
Warbixinta oo uu diyaariyay khabiirka amniga Elena Martynova, ayaa muujisay in Al-Shabaab ay si weyn ugu tiirsan tahay ilo dhaqaalaha gudaha ah, gaar ahaan canshuuraha sharci-darrada ah ee ay ka qaadaan ganacsatada, adeegyada xawaaladaha, iyo isticmaalka lacagaha moobilka.
Sida lagu sheegay warbixinta, kooxda Al-Shabaab ayaa si xeeladaysan u adeegsata lacagta caddaanka ah iyo bangiyada maxalliga ah si ay u maamulaan dhaqdhaqaaqyadooda, una fuliyaan weerarro qorsheysan oo ka dhan ah ciidamada dowladda iyo shacabkaba.
Inkastoo Mareykanka iyo xulafadiisu ay kordhiyeen dadaallada lagu xakameynayo argagixisada, haddana awoodda dhaqaale ee Al-Shabaab ayaa weli ka dhigaysa koox khatar sare leh, taasoo si sahlan ugu fidi karta gudaha Soomaaliya, Geeska Afrika, iyo meelo kale oo ay danaha reer Galbeedku ka jiraan.
“Waxaa jira isbeddello istiraatiji ah oo sii kordhinaya khatarta Al-Shabaab,” ayuu yiri Martynova, isagoo xusay in kooxda ay xiriir dhow la leedahay kooxaha kale ee argagixisada ah sida Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), Al-Qaeda ee Jasiiradda Carabta (AQAP), iyo Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin isbahaysi ay hoggaaminayso dowladda Iiraan.
Martynova ayaa sidoo kale sheegay in Xuutiyiintu ay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee Soomaaliya, taasoo tilmaamaysa awoodda ay u leeyihiin in ay dhexdhexaadiyaan Al-Shabaab iyo Daacish – laba kooxood oo horey isugu jiray colaado hubeysan.
Warbixintan ayaa imaneysa xilli beesha caalamka ay sii wadaan dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, iyadoo weli caqabad weyn ay ka taagan tahay sidii loo jari lahaa ilahooda dhaqaale ee gudaha.