Wasiirka Dekadaha oo qaabilay danjiraha Turkiga

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta dekedaha, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka badda, si loo taageero kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay Dowladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha si loo gaaro horumar waara.

Danjire Alper Aktaş ayaa dhankiisa xaqiijiyay diyaar garowga dowladda Türkiye ee ku aaddan taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda uu leeyahay iskaashi xooggan oo waara oo ka dhexeeya labada dal.

Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta, si loo dardargeliyo horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha, taas oo fure u noqon doonta horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *