Madaxweyne Xasan Sheekh oo la shiray ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya 

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, isagoo kala hadlay xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muuqda ee ku aaddan dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka, iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed – gaar ahaan muddadii adkayd ee dalka uu soo maray.

Intii uu socday shirka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faahfaahin ka bixiyay qorsheyaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta, xoojinta dowlad-wanaagga, iyo horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta doorasho toos ah oo saldhig u noqota mustaqbal siyaasadeed oo hufan. Wuxuu sidoo kale soo bandhigay diyaar-garowga ku aaddan qabsoomidda wadatashiga qaran iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal ifaya oo ay ku jirto midnimo, nabad, iyo horumar waara oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa muujinaya xiriirka sii kobcaya ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo sidoo kale muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhinacyada iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo amni.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *