Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti si Loo Xoojiyo Iskaashiga Ganacsi

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Mudane Abdoulkader Kamil Mohamed.

Intii uu socday kulanka, labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wadahadlay xoojinta iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti. Waxay si gaar ah diiradda u saareen kor u qaadista isu socodka badeecadaha, fududeynta maalgelinta ganacsiga, iyo abuuridda fursado horumarineed oo labada dhinacba dan u ah.

Wasiir Maxamuud Aadan Geesood ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti soo dhoweynta diirran iyo martigelinta wanaagsan ee loo sameeyay, isagoo xusay in booqashadan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka ganacsi iyo istaraatiijiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku kobciso xiriirka dhaqaale ee gobolka, iyadoo xoogga la saarayo iskaashi waara oo ku saleysan dan wadaag iyo horumarinta dhaqaalaha labada shacab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *