Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF-2025) oo Si Rasmi Ah Looga Daah-furay Gaalkacyo

Gaalkacyo – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta si rasmi ah uga daah-furay magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Galmudug Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF – 2025). Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga hay’adaha gargaarka, helidda xal waara oo lagula tacaalo saameynta isbeddelka cimilada, iyo dardargelinta nidaamka gurmadka degdegga ah ee dalka.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa khudbaddiisa furitaanka ku caddeeyay in Soomaaliya ay wajahday xaalad bani’aadannimo oo aad u adag, taasoo ay sababeen roobabkii Deyrta oo yaraaday, saadaasha Guga oo aan lagu kalsoonayn, iyo halista sii kordheysa ee La Nina, taasoo si weyn u saameyn karta nolosha dadka Soomaaliyeed. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in arrimahaasi ay uga sii dareen barakaca baahsan, caqabadaha amni, iyo hoos u dhaca maalgelinta hay’adaha gargaarka.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah oo ay ka mid yihiin: Guddoomiyaha Hay’adda NIRA, Wasiirrada Gargaarka ee dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir, wasiirro ka tirsan Galmudug, maamulka gobolka Mudug, hay’adaha caalamiga ah ee deeq-bixiyeyaasha, kuwa samafalka ka shaqeeya, iyo marti sharaf kale oo isugu jira diblomaasiyiin, aqoonyahanno, iyo wakiillo ka socda hay’ado kala duwan.

Shirka Madasha CHF ayaa ah mid sannadle ah oo lagu falanqeeyo xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, iyadoo lagu wajaho qorsheyaal mideysan oo wax looga qabanayo baahiyaha degdegga ah iyo kuwa fogba, lana xoojinayo iskaashiga dhaxalgalka ah ee hay’adaha samafalka iyo dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *