Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Jabuuti, ahna Madaxweyne ku xigeenka CAF iyo xubin ka tirsan Golaha FIFA (FIFA Council), Mudane Souleiman Hassan Waberi.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Mudane Souleiman Waberi doorka uu ku leeyahay horumarinta ciyaaraha, isagoo muujiyay sida uu Qaranka Soomaaliyeed ugu faraxsan yahay in Jabuuti ay ka mid tahay xubnaha rasmiga ah ee Golaha FIFA. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la xoojiyo iskaashiga ciyaareed iyo is-dhaafsiga khibradaha la xiriira xiriirrada cayaaraha ee labada dal iyo guud ahaan gobolka.
Kulankan muhiimka ah waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga ciyaaraha ee Geeska Afrika, iyadoo la isla qaatay muhiimada ay leedahay kor u qaadista xiriirka ka dhaxeeya dalalka dariska ah, gaar ahaan dhinacyada horumarinta cayaaraha iyo taageerada hey’adaha caalamiga ah sida FIFA iyo CAF.
