Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Qaabilay Xubin Sare oo Ka Tirsan Golaha FIFA

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mudane Suleyman Xasan Waaberi, oo ah xubin sare oo ka tirsan Golaha FIFA isla markaana ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Jabuuti.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Xildhibaanad Dahabo Suusow Maxamuud, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), oo martida wehliyay.

Booqashada Guddoomiye Suleyman Waaberi ayaa si rasmi ah uga bilaabatay xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, halkaas oo uu kulan isbarasho iyo wada-tashi ah kula yeeshay madaxda wasaaradda, ka hor inta aanay u gudbin xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa diiradda la saaray xoojinta xiriirka ciyaareed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinaca kubadda cagta. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay horumarinta ciyaaraha gobolka iyo sidii xiriirka FIFA iyo CAF ay u kordhin lahaayeen taageeradooda ku aaddan horumarinta kubadda cagta ee gobolka Geeska Afrika.

Kulanka ayaa muujiyay muhiimadda wada shaqeynta is-dhaafsiga khibradaha ciyaareed iyo dadaallada lagu horumarinayo ciyaaraha, si gaar ah kubadda cagta oo ay ka go’an tahay labada dal iyo hay’adaha caalamiga ah inay sare u qaadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *