GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si gaar ahna waxaa looga hadlay horumarinta iyo dardargelinta howlaha sharci dejinta ee horyaalla Baarlamaanka 11-aad.

Labada Guddoomiye ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in si dhow loo iska kaashado hawlaha wadajirka ah ee labada aqal, gaar ahaan meelmarinta shuruucda mudnaanta u leh dowlad-dhiska, xasilinta dalka, iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo wada shaqeynta hey’adaha sharci-dejinta si ay u gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, ayna u dardar geliyaan sharciyada aas-aasiga u ah horumarka qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *