Wanlaweyn – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo amni lagu xaqiijinayo ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu burburiyay fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaqbari Weyne.
Howlgalkaan oo si wadajir ah u fuliyeen cutubyo ka tirsan Ururka 64-aad, Guutada 7-aad ee qeybta 12-ka April, oo kaashanayay ciidanka Booliiska degmada Wanlaweyn, ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu baabi’iyo goobaha ay kooxdaasi ka abaabusho falalka amni-darro iyo weerarada ka dhanka ah shacabka iyo ciidamada dowladda.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in hawlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu baacsanayo xubnaha Al-Shabaab iyo sugidda amniga degmada Wanlaweyn iyo deegaannada ku xeeran. Waxa ay sheegeen in howlgalka si guul leh ku soo dhammaaday, iyagoo burburiyay saldhigyo muhiim ah oo ay kooxdaasi ku lahaayeen gobolka.
Inkastoo aan la sheegin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay howlgalka, haddana saraakiisha ayaa xusay in ay heleen xog muhiim ah oo la xiriirta goobaha kooxdaasi isku aruursato iyo abaabulka weerarada.
Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah gobollada ay si joogto ah uga socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ay kordhiyeen howlgallada si ay u sugaan amniga guud ee gobolka.
Howlgalkaan ayaa imaanaya xilli habeen hore ay kooxda Al-Shabaab weerar culus ka geysatay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, taasoo sare u qaadday feejignaanta amni ee ciidamada dowladda ee ku sugan Koonfurta dalka.