Guddiga Doorashooyinka oo muddo dheeri ah ugu daray diiwaangelinta ururada Siyaasadda dalka

Muqdisho – Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay in la kordhiyay muddada rasmiga ah ee diiwaangelinta ururrada siyaasadda dalka, kadib codsiyo rasmi ah oo uga yimid ururrada ku jira hannaanka dhammaystirka shuruudaha diiwaangelinta.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in muddada diiwaangelinta la kordhiyay sagaal (9) maalmood, taasoo bilaabaneysa maalinta Talaadada, 22-ka Abriil 2025 kuna eg 30-ka Abriil 2025. Guddigu wuxuu xusay in tani ay tahay markii labaad ee loo sameeyo muddo-kordhin ururrada siyaasadda si ay fursad ugu helaan dhammeystirka shuruudaha iyo diyaarinta dukumeentiyada looga baahan yahay.

Guddigu waxa uu tixgeliyay xawliga uu ku socdo geedi-socodka diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo cabashooyinka ka imaanaya ururrada qaar ee weli ku jira marxaladda diyaarinta dukumeentiyada iyo buuxinta shuruudaha sharciga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale ku wargeliyay dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda iyo ururrada inay fursaddan ka faa’iidaystaan si ay uga qeyb qaataan hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, loogana hortago dib u dhac ku yimaada qorshayaasha doorashooyinka.

Dhanka kale, guddigu waxa uu si habsami leh u sii wadaa diiwaangelinta dadweynaha ku nool caasimadda Muqdisho, kuwaasi oo helaya kaarka codeynta si ay uga qeybgalaan doorashooyinka la filayo.

Tallaabadan muddo-kordhinta ah ayaa muujineysa dadaalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee ku aaddan xaqiijinta in urur kasta uu helo fursad caddaalad ah oo uu kaga qeybgalo geedi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyada oo loo marayo hanaan waafaqsan sharciyada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *