DFS oo si adag uga Hortimid Tallaabo uu Qaaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland

Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid qorshe uu maamulka Puntland ku sameysanayo aqoonsi gaar ah oo u dhexeeya dadka kunool deegaanada maamulkaas.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay wasaaraddu goor dhaw soo saartay ayaa si cad loogu cambaareeyay tallaabada Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ku dhisay hay’ad cusub oo loogu talagalay bixinta aqoonsi dadweyne oo u gaar ah Puntland. Wasaaradda ayaa ku tilmaantay arrintaasi mid baalmarsan dastuurka iyo nidaamka dowladnimo ee dalka.

Tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland ee ah sameynta aqoonsi kale oo lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka Dowladda Federaalka waa qalad masuuliyadeed iyo mid sharciyadeed, waana xadgudub toos ah oo lagu sameynayo hannaanka dowladnimo ee dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqday in bixinta iyo diiwaangelinta aqoonsiga muwaadinka Soomaaliyeed ay tahay masuuliyad gaar ah oo u taalla Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo si waafaqsan dastuurka kumeelgaarka ah iyo shuruucda dalka looga baahan yahay in heerarka dowlad-goboleedyadu ay ixtiraamaan siyaasadaha qaranka ee isku dhafka ah.

Xukuumadda Federaalka ayaa ku baaqday in Maamulka Puntland uu joojiyo tallaabooyinka halista ku ah midnimada iyo wadajirka hay’adaha dowladda, iyadoo laga fakarayo danta guud ee dalka iyo ilaalinta nidaamka sharci ee dowladnimada Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu xurguf siyaasadeed u dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, iyadoo ay sii kordhayaan khilaafaadka ka dhasha hab-raacyada dastuurka iyo maamulka awoodaha dowladda. War-saxaafadeedkan ayaa u muuqda digniin cad oo ka dhan ah isku day kasta oo lagu carqaladeynayo midnimada sharci ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *