Beijing – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa ka qayb gashay xafladda Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha, oo si heer sare ah loogu qabtay Jaamacadda Caalamiga ah ee Luqadaha Shisheeye ee Beijing (BFSU). Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay masuuliyiin sare oo caalami ah, kuwaas oo uu ka mid yahay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Shiinaha, Mudane Wu Yan.
Safiir Hodan ayaa intii ay ka hadlaysay munaasabadda, muujisay farxaddeeda ku aaddan in afka Soomaaliga lagu barto Jaamacadda BFSU, taasoo ay arday Shiinees ah si xiiso leh u bartaan. Waxay sidoo kale caddeysay in jaamacadaha Soomaaliyeed ay wadaan qorsheyaal lagu bilaabayo barnaamijyo lagu barto afka Shiinaha, si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada shacab iyo dowladood.
“Barashada luqaduhu waa jid muhiim ah oo lagu dhisayo xiriir qoto dheer iyo saaxiibtinimo waarta,” ayay tiri Safiir Hodan, iyadoo hoosta ka xariiqday muhiimadda ay luqaduhu u leeyihiin is-dhexgalka bulshooyinka iyo kor u qaadidda fahamka dhaqan-dhaqaale.
Afka Shiinaha ayaa noqday mid si xawli ah ugu fidaya caalamka, iyadoo in ka badan 75 waddan ay si rasmi ah ugu dareen manhajyadooda waxbarasho. Sidoo kale, waxaa ka jira in ka badan 500 xarumood oo Confucius Institutes ah kuwaas oo ka shaqeeya in ka badan 100 waddan, iyagoo door weyn ka qaata faafinta luqadda iyo dhaqanka Shiinaha.
Munaasabaddan ayaa ahayd mid sare u qaadday doorka luqadda ee dhisidda xiriirka caalamiga ah, waxaana la filayaa in iskaashiga waxbarasho ee Soomaaliya iyo Shiinaha uu sii ballaari doono, iyadoo la xoojinayo barnaamijyada labada dhinac ay ku kobcinayaan fahamka iyo aqoonta bulshooyinkooda.