Soomaaliya: Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha 

Muqdisho – Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Xamarweyne, Boondheere iyo Shibis ayaa maanta si rasmi ah looga bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada golaha deegaanka ee la filayo in ay dhacdo bisha Juun ee sanadkan 2025.

Boqolaal qof oo ku dhaqan degmooyinkan ayaa si weyn isugu soo baxay xarumaha isdiiwaangelinta, iyagoo safaf dhaadheer u galay sidii ay u xaqiijin lahaayeen ka qeybgalka doorashada si ay codkooda u dhiibtaan.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne, Cusmaan Muriidi Cali, ayaa warbaahinta la hadlay isagoo ugu baaqay shacabka degmada in ay si buuxda uga faa’iideystaan fursaddan taariikhiga ah, kuna soo baxaan goobaha isdiiwaangelinta si ay u helaan kaararka codbixinta.

Dhankiisa, Guddoomiyaha degmada Shibis, Cali Soomali, oo isna la hadlay saxaafadda, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in shacabka degmada Shibis ay heli doonaan fursad ay ku doortaan qofka matalaya. “Waxaan rabaa in aan noqdo guddoomiyihii ugu dambeeyay ee degmada ku yimaada magacaabis,” ayuu yiri, isagoo muujiyay kalsoonida uu ku qabo isbedelka hannaanka doorashada.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale muujiyay dareenkooda ku aaddan fursaddan. Maama Sahra, oo kamid ahayd dadkii maanta isdiiwaangeliyay, ayaa sheegtay in ay farxad weyn u tahay inay ugu dambeyn xaq u leedahay in ay codkeeda dhiibato. “Immisa sano ayaan sugeynay in aan codkeenna ku ciil baxno, saaka aad ayaan ugu faraxsanahay in aan iska diiwaangeliyay D/Xamarweyne,” ayay tiri.

Oday ka tirsan degmada Shibis ayaa isna yiri, “56 sano kadib inaan maanta qaato Kaarka Diiwaangelinta Cod bixinta waa ii farxad weyn.”

Sidoo kale, mid kamid ah dadka degmada Xamarweyne ee isdiiwaangeliyay ayaa sheegay, “Waxaan diyaar u ahay in aan codkayga ku ciil baxo,” isagoo ammaan u jeediyay dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto in codka shacabka la maqliyo.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha golaha deegaanka magaalada Muqdisho ayaa hadda ka socota afar degmo, iyadoo degmada Shangaani ay ahayd tii ugu horreysay ee la gaarsiiyo nidaamkan.

Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama ay dadweynaha Soomaaliyeed muddo ku dhow 60 sano kadib helayaan xaqooda dastuuriga ah ee ah inay si toos ah u doortaan hoggaan u matala heer degmo. Tani waxay dhiirogelin weyn ka heshay shacabka, waxayna astaan u tahay horumar ku wajahan dowlad-dhis cusub oo ku saleysan rabitaanka shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *