Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa si weyn ugu ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed guusha weyn ee ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay Tuulada Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay.
Wasiir Jibriil ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu dilay ku dhowaad 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, oo uu ka mid ahaa horjooge ajnabi ah, taasoo caddeyneysa heeganka iyo diyaar garowga Ciidamada Qaranka iyo garab istaagga shacabka deegaanka.
“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo howlgal guuleystay ku naafeeyay cadawga Khawaarijta ah, kana marqaati kacay dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee dhibaatooyinka ba’an ku haya shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.
Wasiirku wuxuu sidoo kale Alle uga baryay naxariistiisa jannada halyeeyada ku shahiiday dagaalkaasi, wuxuuna u rajeeyay dhaawacyada caafimaad degdeg ah iyo bogsiin buuxda.
Ugu dambayn, Wasiir Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidamada qalabka sida ee nafahooda u huraya difaaca dalka, si loo ciribtiro kooxda Khawaarijta ah ee caadeystay gumaadka shacabka iyo carqaladeynta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.