CIIDAMADA DOWLADDA IYO KUWA DEEGAANKA OO ISAGA BAXAY DEEGAANKA ABOOREY EE GOBOLKA HIIRAAN

Beledweyne – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in maanta ay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka si ku-meel-gaar ah uga baxeen deegaanka Abooreey, halkaas oo ay maalmahan dagaallo culus kula jireen kooxda Al-Shabaab.

Deegaanka Abooreey, oo hoostaga degmada Buulo Burde, ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay martigeliyay dagaallo xooggan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac kala gaaray. Ilo-wareedyo militari ayaa sheegaya in sababta bixitaanka ciidamada ay tahay xeelad dagaal, isla markaana ay qorsheynayaan inay dib ugu laabtaan deegaanka.

Sarkaal ka tirsan difaaca deegaanka, oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in guulihii laga gaaray dagaalladii Abooreey aan la lumin doonin, balse la beddelay istaraatiijiyadda howlgalka, si looga hortago khasaaro dheeraad ah iyo dib-u-dhacyo ku yimaada qorshaha dagaalka.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Abooreey ayaa sababay dhimashada qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada, waxaana geeriyooday Taliyihii ururka 163-aad ee guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Asad Cismaan Afrax, oo ka mid ahaa saraakiisha muhiimka ah ee hoggaaminayay dagaalka.

Ilaa hadda, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kama aysan bixin war rasmi ah oo faahfaahinaya sababaha rasmiga ah ee keentay in ciidamadu baneeyaan fariisimahooda ku yaalla deegaanka Abooreey.

Arrintan ma ahan mid cusub, maadaama marar hore ay ciidamada huwanta ah (ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka) si ku-meel-gaar ah uga soo baxeen deegaano ay horey uga qabsadeen kooxda Al-Shabaab, kaddib cadaadis milatari ama xeelado dagaal.

Wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan xaaladda Abooreey kala soco wararkayaga xiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *