Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan Wadatashi ah oo Ku Saabsan Xeer-nidaaminta Xargaha Internetka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo lagu falanqeynayo qabyo-qoraalka Xeer-nidaamiyaha Xargaha Badda Hoosteeda Mara (Submarine Cable Landing Regulation), kaas oo muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha isgaarsiinta dalka.

Kulankan oo ay ka qeybgaleen madax sare, sharciyaqaanno, iyo khubaro farsamo oo ka socda shirkadaha isgaarsiinta gudaha dalka, ayaa diiradda lagu saaray qaab-dhismeedka shati-siinta, u hoggaansanaanta shuruucda, amniga, shuruudaha isku-xirka, iyo saameynta ballaarinta xargaha badda ee heer qaran iyo heer gobol.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa furay kulanka isaga oo sharaxaad ka bixiyay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee xeerkan iyo sida uu ugu saleysan yahay halbeegyada iyo habraacyada caalamiga ah.

“Dalkeennu wuxuu leeyahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer qaaradda Afrika, taas oo fursad weyn u ah horumarinta kaabeyaasha xargaha badda hoosteeda mara. Kheyraadkan dabiiciga ah wuxuu fure u noqon karaa in adeegyada internet-ka la gaarsiiyo dhammaan gobollada dalka iyo dalalka ku yaalla Bariga iyo Bartamaha Afrika ee aan badda lahayn,” ayuu yiri Maareeye Mustafa.

Wuxuu intaas ku daray in si looga faa’iideysto fursaddaasi ay lagama maarmaan tahay in dalka uu yeesho xeer-nidaamiyayaal casri ah oo dhiirrigeliya tartan furan, isla markaana xaqiijiya amniga iyo kalsoonida maalgashiga.

Mudane Mustafa ayaa sidoo kale u mahadceliyay Hay’adda Maalgashiga Caalamiga ah ee IFC, taas oo si joogto ah u garab taagan HIQ, kuna taageerta dhinacyada farsamo iyo la-talin, gaar ahaan diyaarinta xeerkan.

Qabyo-qoraalka xeer-nidaamiyaha ayaa lagu saleeyay natiijooyin ka soo baxay wadatashiyo hore oo lala yeeshay shirkadaha isgaarsiinta bishii Sebtembar ee sanadkii hore. Wadatashiga maanta ayaa lagu xaqiijinayaa in aragtida dhammaan daneeyayaasha lagu daro kahor inta aan xeerka si rasmi ah loo ansixin.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ugu dambeyntii ku wargelisay dhammaan shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa bixiya adeegga internet-ka in ay talooyinkooda qoraal ah ku saabsan xeerkan soo gudbiyaan ugu dambeyn 30-ka Abriil 2025.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *