Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay fuliyeen ciidamadeeda AFRICOM lagu dilay xubin ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Daacish, kuwaas oo dagaal kala dhaxeeyo ciidamada maamulka Puntland.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntan la fuliyay 11-kii Abriil, ayna ka dhacday degaan dhanka koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Taliska AFRICOM ayaa caddeeyay in howlgalkaasi lagu dilay hal dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxda Daacish, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.
“Howlgalka waxaa lala kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu qayb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo kooxaha argagixisada ee halista ku ah ammaanka dalka iyo gobolka guud ahaan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka AFRICOM.
Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ciidamada Puntland ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, gaar ahaan howlgalada ay ka wadaan Buuraha Cali-Miskad ee gobolka Bari. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Puntland ay haatan gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo horey ugu jiray gacanta kooxdaasi.
Kooxda Daacish ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku dhuumaaleysanaysay buuraleyda gobolka Bari, halkaas oo ay ka wadaan weerarro ka dhan ah ciidamada ammaanka iyo shacabka deegaanka.