Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ciidamada Xoogga dalka ugu hambalyeeyey sanadguurada 65-aad

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa hambalyo u diray dhammaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda iyo qoysaskooda, xuska sanadguurada 65-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa muujiyay muhiimadda weyn ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay u leeyihiin jiritaanka iyo difaaca dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo ammaanay geesinimada iyo halganka ay ciidamadu ugu jiraan sugidda amniga iyo ciribtirka cadowga nabadda iyo horumarka ka soo horjeeda.

“Waa ciidamo mudan ixtiraam iyo bogaadin, mar walbana taagan difaaca shacabka, dalka iyo diinta. Dadaalkooda iyo naf-hurnimadooda ayaa ah tiir muhiim u ah dhismaha iyo badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa duco u diray geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray difaaca dalka, isagoo Eebbe uga baryay inuu janadiisa ka waraabiyo shuhadada, kuwa dhaawacmayna siiyo caafimaad degdeg ah. Waxa uu sidoo kale mar kale bogaadiyey hawlgallada joogtada ah ee ay ciidamada ku wajahayaan kooxaha Khawaarijta ah ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *