Juba – Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfurta Suudaan ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan ahna madaxa kooxda dhaqaalaha, Mudane Dr. Benjamin Bol Mel. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi, fursadaha maalgashi iyo waajibaadka canshuur bixinta.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Juba ayaa lagu lafa-guray arrimo dhowr ah oo quseeya horumarinta ganacsiga iyo sidii loo abuuri lahaa jawi u fududeynaya ganacsatada Soomaaliyeed inay si sharci ah ugasii shaqeeyaan gudaha dalkaasi. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ammaanay kaalinta muuqata ee ganacsatada Soomaaliyeed kaga jiraan kobcinta dhaqaalaha Koonfurta Suudaan, gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo adeegyadiisa.
Dr. Benjamin Bol Mel ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in ganacsatada Soomaaliyeed laga taageero maalgashiga waaxda beeraha, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso ballaarinta wax-soo-saarka beeraha si kor loogu qaado sugnaanta cuntada, dhaqaalaha dalka loo kobciyo, isla markaana loo horumariyo nolosha dadka reer miyiga ah.
“Xukuumaddaydu waxay si buuxda u taageeraysaa ganacsatada sharciga ku hawlgala, waxayna diyaar u tahay in ay ilaaliso maalgashiga iyo hantida ay ku leeyihiin gudaha Koonfurta Suudaan,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenku.
Dhankooda, wakiillada ganacsatada Soomaaliyeed ayaa u mahadceliyay Madaxweyne ku-xigeenka cusub, iyagoo u diray hambalyo diirran oo ku aaddan magacaabistiisa. Waxay sidoo kale muujinayaan kalsooni buuxda oo ay ku qabaan hoggaamintiisa, isla markaana waxay ballanqaadeen inay garab istaagi doonaan dadaallada horumarineed ee uu hogaaminayo.
Kulankan ayaa u muuqda mid xoojinaya xiriirka iskaashi ee u dhexeeya bulshada ganacsatada Soomaaliyeed iyo dowladda Koonfurta Suudaan, iyada oo la filayo in uu horseedo fursado hor leh oo ganacsi iyo maalgashi.

