Shabeellaha Dhexe – Dagaallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ee u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay garab taagan yihiin saaxiibada caalamiga ah iyo ururka Alshabaab ayaa sababay barakac baahsan, koror ku yimid dhimashada iyo dhaawacyada dadka rayidka ah, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC).
Warbixinta ICRC ayaa xustay in saddexda bilood ee ugu horreeyay sannadka 2025, ay hay’addu gargaar caafimaad gaarsiisay 20 xarumood oo caafimaad oo ku yaalla guud ahaan dalka, taasoo muujinaysa heerka sare ee baahida caafimaad ee ka dhalatay colaadaha.
Magaalada Muqdisho, Isbitaalka Madiina ayaa diiwaan geliyay ugu yaraan 203 bukaan oo ku dhaawacmay dagaallada, taasoo muujinaysa 26% koror marka la barbardhigo tiradii dhaawacyada ee saddexdii bilood ee ka horreeyay.
“Waxaan aragnay koror weyn oo ku yimid dhaawacyada hubka, waana xaalad walaac badan,” ayuu yiri Antoine Grand, madaxa ICRC ee Soomaaliya. “Nolosha rayidka ayaa halis ku jirta, waxaana loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin degdeg ah.”
Dagaalladan ayaa sidoo kale sababay in in ka badan 100,000 qof ay ka barakacaan guryahooda, iyagoo u jiheystay deegaano ammaan ah. Xaaladdan cakiran ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Soomaaliya ay wajahayso abaar cusub iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid maalgelinta hay’adaha samafalka, taasoo sii adkeynaysa xaaladda bini’aadantinimo.
Hay’adaha ICRC iyo Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa sheegay inay haatan wadaan olole degdeg ah oo lagu gaarsiinayo gargaar caafimaad, biyo nadiif ah iyo agab kale oo nololeed dadka ay saameeyeen dagaallada. Waxa ay hay’aduhu ugu baaqeen beesha caalamka inay kordhiyaan taageerada si loo badbaadiyo nolosha dadka ku tabaaleysan colaadaha iyo xaaladaha adag ee taagan.