Hargeysa – Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul u cambaaraysay safarka uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ku tegi doono magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyada oo socdaalkaasi ku tilmaantay faragelin cad oo ka dhan ah madaxbannaanideeda siyaasadeed iyo midda dhuleed.
War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu khatar gelinayo nabadgelyada gobolka iyo dadaalladii diblomaasiyadeed ee lagu doonayey in lagu xasiliyo xaaladda Laascaanood. “Dowladda Somaliland waxay u aragtaa safarkaasi mid colaado abuuri kara, waxayna caddaynaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto masuuliyadda xiisad kasta oo ka dhalata,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Somaliland ayaa sidoo kale fariin u dirtay hay’adaha caalamiga ah ee ay ka mid yihiin Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta, iyada oo ugu baaqday inay si taxaddar leh ula socdaan tallaabooyinka ay ku sheegtay inay dowladda Soomaaliya ku wiiqayso nabadda iyo xasilloonida gobolka.
“Dowladda Somaliland waxay mar kale xaqiijinaysaa go’aankeeda ku aaddan nabadda, wada-hadalka, iyo iskaashiga gobolka, hase ahaatee, waxay qaadi doontaa tallaabo adag oo ay ku difaacayso madaxbannaanideeda,” ayaa lagu sii daray warsaxaafadeedka.
Dhanka kale, magaalada Laascaanood ayaa si weyn looga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo amni, iyadoo wafuud heer wasiir ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ah ee dowladda Federaalka ay halkaasi gaareen, si ay u diyaariyaan soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha.
Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa isna ka digay wax kasta oo carqalad gelin kara safarka Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo xusay inay mas’uuliyad buuxda iska saari doonaan sugidda ammaanka wafdiga dowladda Federaalka.
Xiisaddan siyaasadeed ayaa imaneysa xilli ay soconayaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu raadinayo xal waara oo ku saabsan mustaqbalka Laascaanood iyo doorka ay ku leedahay Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.