Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Laascaanood, Iyagoo Hordhac u ah Safarka Ra’iisul Wasaaraha

Laascaanood – Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyagoo hordhac u ah booqashada la filayo inuu halkaasi ku tago Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Wafdigan ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood, waxaana halkaasi ku qaabilay masuuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa wafdiga ku qaabilay xarunta madaxtooyada maamulka, halkaas oo ay haatan ka socdaan kulammo muhiim ah oo looga hadlayo arrimo la xiriira xasilloonida, horumarka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Soo dhaweynta wafdiga ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Laascaanood, iyadoo shacabka magaalada ay muujiyeen taageero iyo xiiseyn ballaaran oo ay u hayaan safarka madaxda dowladda Federaalka.

Wararka la xiriira safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo kulammada socda ayaa la filayaa in saacadaha soo socda lagu faahfaahiyo, iyadoo lagu wado in magaalada Laascaanood ay martigeliso kulan heer sare ah oo dhaxmari doona madaxda dowladda Federaalka iyo maamulka SSC Khaatumo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *