Puntland oo digniin ka bixisay biyo La’aan dhalisay dhimasho, barakac iyo Nafaqo-xumo

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland (MoHADM) ayaa maanta soo saartay baaq degdeg ah oo gurmad bini’aadantinimo, kaddib xaalad adag oo biyo la’aan ah oo si ba’an u saameysay gobollo badan oo ka tirsan Puntland.

War-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in is biirsiga roobab aan joogto ahayn iyo xaalado qalalan ay sababeen in ceelasha, berkadaha iyo ilo-biyoodka kale ee muhiimka ah ay gabi ahaanba qalalaan ama si weyn hoos ugu dhacaan, taasoo si gaar ah u saameysay qoysaska xoolo-dhaqatada ah ee ku dhaqan gobollada Nugaal, Mudug, Bari iyo Sanaag.

“Bulshooyin badan ayaa lagu qasbay inay ka barakacaan deegaanadoodii si ay u helaan biyo nadiif ah, taasoo abuurtay xaalado caafimaad darro iyo khataro kale oo bulshada ka dhex dhashay,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda. “Waxaa sii kordhaya halista cudurrada ka dhasha biyo la’aanta iyo khilaafaadka bulsho ee ka dhasha kheyraadka kooban.”

Qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha iyo saraakiisha wasaaradda ayaa muujisay koror ku yimid nafaqo-xumada, gaar ahaan haweenka iyo carruurta, kuwaasoo ah qeybaha bulshada ee ugu nugul saameynta ay leedahay biyo la’aanta.

Iyadoo laga duulayo xaaladda adag, Wasaaradda Gargaarka Puntland ayaa ugu baaqday hay’adaha samafalka, ururrada caalamiga ah iyo bahwadaagta horumarineed in ay si degdeg ah u kordhiyaan taageerada ku aaddan biyo-dhaaminta, dayactirka ceelasha, iyo adeegyada nadaafadda iyo fayadhowrka si looga hortago dhibaatooyin hor leh.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in ay sii wadeyso wadashaqeynta ay la leedahay hay’adaha ku hawlan gurmadka si loo xoojiyo dadaallada wax-ku-oolka ah ee wax looga qabanayo saameynta abaaraha iyo biyo la’aanta sii kordheysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *