Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijinaya in saaka waaberigii hore ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka fuliyeen howlgal qorsheysan oo guul leh, kaas oo ay ku qabsadeen deegaanka Geelgub, halkaas oo ay maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.

Ciidamada is garabsanaya ayaa qaaday weerar dhowr jiho ah oo si taxadar leh loo qorsheeyay, waxaana lagu beegsaday fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen gudaha deegaanka. Intii uu socday howlgalka, waxaa kooxdaasi lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh oo dhimasho, dhaawac iyo burbur isugu jira.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay saakay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Geelgub.

“Subaxdii shanaad oo xiriir ah ayaa geesiyaasha Qaranka iyo halgamayaasha deegaanku weerarro is-daba joog ah ku ekeeyeen Khawaarijta isku soo qariyay Hirshabeelle. Waxaa ugu dambeysay saaka, iyadoo Geelgub laga saaray laguna laayay cadowga. Mahadsan madaalayaasha,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

Sidoo kale, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ay weli ka wadaan howlgallo ballaaran duleedka deegaanka Geelgub, si loo xaqiijiyo ammaanka una suurtagasho in laga hortago dib-u-soo laabasho kasta oo maleeshiyaadka ah.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa todobaadyadii iyo bilihii la soo dhaafay martigeliyay howlgallo is-daba joog ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay si wadajir ah ugu howlan yihiin xoreynta deegaannada ay wali ku dhuumaalaysanayaan xubnaha kooxdaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *