Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa u ambabixi doona magaalada Washington, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo haatan ku sugan Mareykanka.
Wasiir Cabdiraxmaan Daahir ayaa sidoo kale sheegay in sugitaankii aqoonsiga Somaliland ee Mareykanka uu hadda soo gabagaboobay, isla markaana ay rajo wanaagsan oo aad u sarreysa qabaan.
Arrinta aqoonsiga ayaa waxaa dhawaanahan si weyn u kiciyay saaxiibo ay Somaliland ku leedahay xisbiga Jamhuuriga ee Trump, iyadoo dhowr jeer Koongareeska Mareykanka la horgeeyay sharciyo ku saabsan ictiraafka Somaliland.
Tan iyo markii uu xilka la wareegay Trump, waxaa isa soo taraya wararka la xiriira in Mareykanku uu aqoonsi siin doono Somaliland, taasoo dhalisay hadal-heyn xooggan. Waxaa sidoo kale jirta in Mareykanku uu qorsheynayo in shacabka Falastiin ee Gaza uu geeyo Somaliland, inkastoo maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa uu meesha ka saaray in ay Mareykanka kala hadleen arrintaasi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda si weyn u diiday arrinta aqoonsiga, waxayna kireysatay shirkad Mareykan ah oo ka caawin doonta xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya.
Si kastaba, falanqeeyayaasha ayaa tilmaamay in Mareykanku uu u baahan yahay inuu si taxaddar leh u maareeyo danihiisa Geeska Afrika. Soomaaliya waxay weli tahay saaxiib istaraatiiji ah, iyadoo muhiimaddeedana uu sii xoojiyay xiisaha sii kordhaya ee Shiinaha iyo Ruushka ee gobolka.