Farmaajo oo cambaareeyay xariga Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac

Madaxweynihii hore ee dowlada federaalka ah ee Soomaalia   Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo saarey war-saxafadeed uu codkiisa ku biiriyay cambaareyn loo jeediyay xariga dowladda kula kacday hogaamiyaha xisbiga dadka. 

“Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne farmaajo ayaa ugu baaqay dowlada federaalka ah ee Soomaaliya inaysan caburin siyaasiyiinta ka aragtida duwan lana timaado siyaasad fur furan oo xasiloon taasoo lagu gaaro karo danta guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *