Madaxweyne Xasan Sheekh oo degmada Cadale ka wada dardargelinta dagaalka ka dhanka ah al-Shabab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmo xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabeele kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, waxgaradka, hoggaanka Macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka.

Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo madaxda uu la kulmay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Cadalle ee Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale, halkaas kulammo gaar-gaar ah kula qaatay masuuliyiinta odeyaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanno kamid gobolka Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *