Wasiirka wasaatadda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane George Conway
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029), kaasoo dhawaan la filayo in la daahfuro.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday sidii barnaamijyada iyo mashaariicda hoos yimaada Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya si buuxda loo waafajin lahaa mudnaanta dowladda ee ku cad QIQ. Kulanka ayaa sidoo kale looga dooday sidii looga shaqeyn lahaa kulanka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaasoo dib loogu eegi doono waxqabadyadii Qaramada Midoobay ee 2024 iyo qorshe-hawleedka sanadka 2025.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay halka uu marayo barnaamijka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaasoo badali doona kii hore. Sidoo kale, hoos u dhaca ku yimid Gargaarka Horumarinta Rasmiga ah (ODA) ayaa lagu soo qaaday kulanka, gaar ahaan dhimista taageerada ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, sida USAID.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in hoos u dhaca uu saameyn ku yeelan karo barnaamijyada horumarinta ee Soomaaliya, isagoo muujiyay in loo baahan yahay in la helo fursado kale oo maalgelineed si loo ilaaliyo barnaamijyada muhiimka ah ee dalka.


