Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho maanta ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, Laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Faderalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa Golaha Shacabka uga naqay ansixinta Hindise Sharciyeedka Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed,isagoona sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay Garsoorka dalka.
Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa dhanka kale dhaariyay Xildhibaan Maxamed Cabdi Cali oo ka mid noqonaya xubnaha cusub ee Golaha Shacabka kadib markii labo maalin ka hor lagu soo doortay magaalada Dhuusamareeb.