Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaal guud iyo xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga.
Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada dib-u-habeynta iyo xoojinta hay’adaha dowladda si loo hagaajiyo shaqada wasaaradaha.
Arintan ayaa ku soo beegmeysa ka hor inta uusan wafdi heer sare ah ee uu hogaaminaayo Raysalwasaaraha Xukuummadda Federaalka ah ee Soomaaliya u amba bixin Qaahira, magaalo madaxda Dalka Masar halkaasi oo uu uga qeyb gali doono shir aan caadi ahayn oo u dhaxeeya hogaamiyayaasha dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacada Carabta kaasoo furmi doona barito oo ay taariikhdu ku beegantahay 4ta Bisha March 2025ta.
Shirka ayaa looga hadli doonaa arima quseeya dib u dhiska Gaza.