Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar Cali Balcad ayaa beeniyay in iyagu ahaayeen cida u diiday visaha raysal wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble balse ay tahay Dalka South Africa. Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in Dowladda Koonfur Afrika ay soo weydiisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya wafdiga Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble cidda ay u socdeen ee Dowladoodi ah ee ku casuumtay dalkaasi.
Waxaana Dowladda Koonfur Afrika ay suaal galisay sida Ra’iisul wasaare hore uu u hogaamin karo wafdi wasiiro iyo xildhibaano ah iyagoon sidoo kale aan haysan wax warqad casuumaad Dowladeed ah, Balse Wasiir Cali Balcad waxa uu qiray in Xildhibaan Cabdullahi Carab uu markale ku laabtay una sheegay inuu ku safrayo Baasaboorka Soomaaliga ayna u fududeeyeen inay visaha u soo saaraan.
WASIIRU DOWLAHA ARIMAHA DIBADA OO SHEEGAY IN KOONFUR AFRICA U DIIDAY VISAHA RAYSAL WASAARE HORE MUDANE ROOBLE
