๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ค๐ฎ ๐š๐š๐๐๐š๐ง ๐๐ข๐ฌ๐ก๐š ๐‘๐š๐ฆ๐š๐๐š๐š๐ง ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliyeed Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka.

Bisha Ramadaan waa fursad muhiim ah oo lagu xoojiyo midnimada, walaalnimada, iyo isu naxariisashada bulshada.

 Raysal wasaaraha ayaa ka codsaday ummadda soomaaliyeed intooda wax heysata inay taageeraan bulshada intooda jilicsan.

Mudane Xamsa ayaa Alle uga baryay in uu Ramadaanka inoogu dhammeeyo nabad iyo barwaaqo, innagana aqbalo soonkeena, salaadeena iyo camalkeenna suubban.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *