Burundi oo bilowday in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya 18 Sano kadib

Burundi ayaa si rasmi ah u billowday in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya, taasoo soo afjartay 18-sano oo ay ka mid ahaayeen howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika. Go’aankan ayaa daba socda khilaaf ku saabsan qoondada ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Wadahadalo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Burundi ayaa lagu guuldareystay in lagu heshiiyo, gaar ahaan ka dib markii Bujumbura ay dalbatay in qeyb weyn laga siiyo Ciidamada AUSSOM. Markii la diiday codsigeeda, Burundi waxay dooratay inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.
Burundi ayaa ahayd dalkii labaad ee ciidammo u soo dira Soomaaliya sannadkii 2007-dii, iyagoo qayb ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo Uganda ay ahayd dalkii ugu horreeyay. Sanadihii ugu dambeeyay ciidamada Burundi ayaa kaalin  ka qaadanayay howlgallada ka socda  Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *