SODMA oo soo xirtay tababar kor loogu qaadayo hawlwadeenada gurmadka Deg Dega ah

Xarunta Qaran ee Hawlgallada Gurmadka Deg-degga ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa soo gabagabeysay tababarro toos ah (practical) oo lagu diyaarinayay aqoonta iyo kartida howlwadeennada gurmadka ee xaaladaha deg-degga ah oo isugu jira kooxda dab-damiska, wicitaannada iyo caafimaadka.

Ujeedka ayaa ahaa, sidii kooxahaan ay wadajir ugu howl-gali lahaayeen xilliyada loo baahan yahay jawaab aan daah-lahayn, sida marka ay dhacaan musiibooyinka dad-sameyga ah iyo kuwa dabiiciga ah, halka howlwadeennadu muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yihiin iskaashi, isla-howlgal iyo isku xirnaan deg-deg ah.

Ugu dambeyn; howlwadeennada hay’adda ee gurmadka deg-degga ah, gaar ahaan bahda wicitaannada, dab-damiska iyo caafimaaka ayaa soo bandhigay filim muujinaaya diyaargarowgooda ku aaddan ka jawaabista khataha iyo yareynta saameynta ka dhalata musiibooyinka.

One thought on “SODMA oo soo xirtay tababar kor loogu qaadayo hawlwadeenada gurmadka Deg Dega ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *